• Rate : 1.3225
  • BXD : 1.3525
  • Date : 19 September 2017
  • Time : 9:00 Am
  • Updated by : Admin
Send to:
News

IFTIN Group oo dhagac dhigtay Bangi cusub Magaalada Garoowe



Iftin Express
ayaa daaha ka qaadey qorshaha cusub ee Xawilaada kaas oo noqon doona mid ku
shaqeysa sida Bangiyada caalamiga ah isla markaana waxa ay deegaanada Puntland
iyo guud ahaan deegaanada Soomaalida ka hirgelineysaa dhismayaashii ugu bilicda
sanaa ee abid laga dhiso halkaas, Banigaga ayaa ku shaqeyn doona shuruucda
Islaamka iyo weliba xeerarka caalamiga ah.


Waxyaabaha
cajiibka ah ee Iftin Bank wato waxaa kamid ah marka Bangigu xiran yahay uma
baahnid in aad sugto, ee waxaad lacagtaadi si aayar ah ugala bixi kartaa
derbiga Bangiga halkaas oo aad ka heli doonto Mashiinka lacagta ee ku shaqeeya
Kaararka Iftin Bank, sidoo kale waxaad Mashiinkaas isticmaali kartaa marka
Bangigu furan yahay.


Waxaa dhamaan macaamiisha Shirkada IFTIN GROUP (Iftin
Express) loogu bishaaraynayaa in ay shirkadu balaarisay adeegyadii ay u haysay
Ummada Soomaaliyeed ka dib markii ay shirkadu ku soo xirmeen macaamiil
faradabadan. Si hadaba loo daboolo baahida macaamiisha ayaa waxaa maamulka
shirkadu sameeyeen isbadaladaan:


 


v Bartamihii
Sanadkii Hore in laga furay Dhismaha Ugu bilicsan Bosaso oo ah Xarunta dhexe ee
IFTIN BANK
.


v Dhismaha Iftin Bank
oo Garowe laga bilaabay iyo wasiirka ganacsiga oo dhagax
 Dhigay.


Dhagax dhiga dhismahan waxaa kasoo qayb
galay masuuliyiinta Baniga IFTIN,wasiirka Ganacsiga Puntland,Gudoomiyaha Rugta
Ganacsiga iyo masuuliyiin kale.


Maamulaha shirkada Mubarak Group Eng.
C/qaadir Ciise Xaaji Cumar ayaa sheegay dhismahaan inay ku kacayso dhaqaale
gaaraya 440-kun oo doolar ayna socon doonto dhismaheeda mudo sanad ah oo loo
qorsheeyay wuxuna tilmaamay inay howshaani tahay mid aad u wanaagsan oo bilow u
ah ganacsatadda Soomaaliyeed inay wadankooda sidaan oo kale u dhisaan
maalkoodana u galiyaan.


 


Gudoomiyaha rugta ganacsiga Puntland
Siciid Xuseen Ciid ayaa tilmaamay inay muhiim tahay in ganacsatadda
Soomaaliyeed ee maalgashiga ku sameeyay wadamadda Koonfur Africa iyo Koonfurta
Suudaan looga baahan yahay inay dalkooda hormariyaan oo ay ka waan toobaan
goobaha kale ee ay dhaqaalahooda la aadaan.


Waxa uu tilmaamay Ciid Wadanku inuu u baahan
yahay dad maalgashi ku sameeya oo dadkooda ay ka faa’iidaan wax soo saarka
imaanaya haddii loosoo jeesto,Ganacsatadda Iftin Bank ayuu 
ku ammaanay sida wanaagsan ee ay iskugu
xilqaameen inay wadankooda Hooyo usoo jeestaan.



 Wasiirka Ganacsiga Puntland Maxamuud
Xasan Soocade oo ka qayb galay dhagax dhiga xaruntaan ayaa sheegay ganacsatada
kale inay ku daydaan wadada wanaagsan ee ay martay Iftin Bank,wuxuna soo
jeediyay inay ku garab taagan yihiin cid kasta oo hormarka Puntland ka qayb
qaadanaysa.



 


Masuuliyiinta Iftin Bank ayaa sheegay
inay sidoo oo kale xarun ka dhisanayaan deegaanadda kale ee Puntland.